Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho oo maalintii labaad hilib la'


Muqdisho oo maalintii labaad hilib la'
Muqdisho oo maalintii labaad hilib la'

Al-Shabab ayaa maalintii 2-aad joojiyay in wax hilib ah la keeno suuqyada Muqdisho, waxayna arrintaasi saamaysay maqaayadaha magaalada.

Sarkaal u hadlay ururka Al-Shabaab ayaa sababaha ay hilibka u joojiyeen ku macneeyay caafimaad darro ka jirta goobaha hilibka lagu qalo.

Intabadan suuqyada magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha hilibka lagu iibin jiray ayaa maalintii labaad hilib la'aan ah.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in ujeeddada ka danbeysa joojinta hilibku ay tahay ismaandhaaf ka dhashay qidmadaha laga qaado ganacsatada oo ay Al-Shabaab iyo iyagu isku fahmi waayeen.

hilibka la joojiyay oo ah hilibka geella ayaa saameyn wuxuu ku reebay qeybaha Muqdisho, sidoo kale waxaa saameynta ugu badan ay gaadhay maqaayadaha kala duwan ee magaallada.

hilib la'aanta maalintii labaad ka jirta Muqdisho ayaa sidoo kale jahawareer ku reebtay dadka caaddiga ah oo qeybaha cuntooyinka ee ay karsadaan ay ku darsadaan hilibka.

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay oo ururka Al Shabaab ay joojiyaan xoolaha la qali jiray oo ubadnaa geella, lamana oga in ay sii socondoonto iyo in kale inkasta oo ganacsatada hilibka iyo dadkuba ay walaac xoogan ka muujinayaan arinta dhacday.

XS
SM
MD
LG