Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Khasaaraha Dagaalka oo Kordhay


Khasaaraha ugu badan ee dagaalada ka socda magaalada Muqdisho waxaa ay soo gaareen dadka rayidka ah oo ay madaafiic ugu tagtay xaafadihii ay ku sugnaayeen.

Waxaa isa soo taraya khasaaraha dadka rayidka ahi ka soo gaaraya dagaalada magaalada Muqdisho ku dhexmaraya ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM iyo xoogagga hubeysan ee mucaaradka ah.

Dagaaladan oo xoogoodii ay ka socdaan dhanka waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa dhinacyada dagaalamayaa ay isweydaarsanayaan madaafiic geysatay khasaaraha ugu badan ee rayidka soo gaaray. Guri shub ah oo ku yaalla xaafadda Suuq-Bacaad ee degmada Yaaqshiid ayaa madfac ku habsaday waxaa ku dhintay 17 qof oo iyagu ka gabanayay madaafiicda, ilaa 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Degmooyinka ay dagaaladu saameeyeen waxaa ka mid ah Kaaraan, C/casiis, Shibis iyo Yaaqshiid, iyadoona guud ahaan dhimashada rayidka la sheegay inay gaarayso 24 qof, dad ka badan 40 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawacmay waxaa loola cararay goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho, iyadoo maydadka dadkii ku dhintay gurigii shubka ahaa ee madfaca ku habsaday la sheegay inay saacado badan ay yaaleen goobtii ay ku qurbaxeen.

Lama sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray dhinacyada dagaalamaya.

Guul Sheegasho

Dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho waxay warbaahinta ka sheegeen inay guulo ka gaareen dagaalada. Afhayeen u hadlay kooxda al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay in dhinacooda ay dagaalka horumar ka sameeyeen. Wuxuu sheegay in ay gubeen Taangi ay leeyihiin ciidamada AMISOM. Balse Amisom dhinaceeda waxay sheegtay in sheegashada al-Shabaab aysan waxba ka jirin.

Si kastaba ha ahaatee dhinacyada diriraya midkoodna ma uusan soo hadal qaadin dhibaatada soo gaartay dadka rayidka.

Dagaalada Muqdisho ka socda waxay xoogeysteen tan iyo markii kooxda al-Shabaab ay xoog ku qabsatay xeradii Gaadiidka oo ay fariisin u ahayd ciidan ka tirsan booliska dowladda. Arbacadii, madaxweynaha dowladda KMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay waxa uu booqday jiidaha hore ee ay difaaca kaga jiraan ciidamada dowladda.

Taliyaha booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cali Maxamed Xasan Looyaan ayaa VOA u sheegay in booqashadaasi ay qeyb ka ahayd Abaabul dagaal oo ay dowladdu Muqdisho kaga sifeyneyso kooxaha ka soo horjeeda.

XS
SM
MD
LG