Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Idaacadaha oo joojiyay heesaha


Idaacadaha madaxa banaan ee Muqdisho ayaa u hogaansamay amar ka soo baxay Xisbul-Islaam oo lagu mamnuucay siidaynta heesaha

Amarka lagu joojiyay heesaha iyo muusikada ayaa waxaa uu ka soo baxay masuulka ururka Xisbul-Islam u qaabilsan gobolka Benaadir Macallin Xashi Maxamed Farah oo todobaadkii hore sheegay inaan la oggolayn Heeso iyo Music ay Idaacadduhu Isticmalaan.

Guud ahaan Idaacadaha ka howl gala Gobolka Banaadir ayaa ka sinnaa inaanay ka hor iman amarka Xisbul Islam cabsi jirta aawadeed iyo iyaga oo danta iyo maslaxadooda eeganaya. Hasse yeeshee Idaacadda dowladda ee Radio Mogadishu ayaa dhegaha ka furaysatay amarkaasi.

Muusikada iyo Heesaha Idaacadaha ayaa qaarkood ay ahaayeen lagama maarmaan, marka la eeggo astaanta idaacad waliba gaarka ay u lahayd ee ay ku soo gasho, balse idaacad walba waxay maanta bilowday inay ciyaarto astaan cusub oo lagu garto.

Si kastaba ha noqotee amarkan ayaa noqonaya mid saamayn weyn ku yeelanaya saxaafadda, iyadoo kooxaha mucaaradkuna ay ku ogaanayaan sida loogu hogaansami karo amarradooda.

Dowladda KMG ee Somali ayaa canbaareysay amarkaasi, waxayna ku tilmaamtay caburin hor leh oo soo wajahday saxafadda Somalida.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG