Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Fadhigii Baarlamaanka oo Baaqday


Muqdisho: Fadhigii Baarlamaanka oo Baaqday
Muqdisho: Fadhigii Baarlamaanka oo Baaqday

Fadhiga baarlamaanka ee maanta waxaa ballantu ay ahayd in xukuumadda Ra'iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid ay hortimaado.

Waxaa maanta baaqday kulankii baarlamaanka federaalka ay qorsheysteen inay ku hortimaado xukuumadda ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Inkastoo aan faah faahin rasmi ah laga bixin sababta uu u baaqday kulankaasi, haddana xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa maanta isugu tegay guriga ummadda, kuwaasoo tiradoodu ay dhammeyd 139 xildhibaan.

Waxaana muuqatay in kooramkii uu ku furmi lahaa shirka uu u buuxsami waayay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaan soo xaadirin kulankii maanta u ballansanaa baarlamaanka.

Xildhibaanadii isugu yimid kulanka ayaa sheegay inay guddi u saareen oo soo baara sababta uu u baaqday kulankaasi.

Xildhibaanada maanta filayay inuu shirka furmo ayaa aaminsan in guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu baajiyay kulanka, sida ay ka muuqato hadalka Caasho Axmed Cabdalla oo maanta guddoomisay kulan gaar oo ay yeesheen xildhibaanada kooramku u buuxsami waayay.

Caasho Axmed Cabdalla ayaa la hadashay suxufiyiinta ka dib markii ay ka soo baxeen kulankii ay xidhibaanadu yeesheen, waxayna sheegtay inay qoraal u dirayaan guddoomiyaha baarlamaanka inuu soo sheego sababta uu kulanku u baajiyay.

Si kastaba ahaatee xildhibaanada ayaa ku kala aragti duwanaa fadhigii maanta qorsheysnaa oo ballantiisa lagu gaaray kulan uu baarlamaanku yeeshay khamiistii aynu soo dhaafnay, kaasoo ay ku gaareen in xukuumadda ra’iisal wasaare Cumar Cabdirshiid ay hortimaado baarlamaanka.

Xildhibaano iyaguna jimcihii shalay kulan ku yeeshay Hotel saxafi ee magaalada Muqdisho waxay sharci darro ku tilmaameen fadhigii khamiistii uu yeeshay baarlamaanka iyo go’aankii ay ku gaareen in xukuumaddu ay saddex maalmood gudohood ku hortimaado baarlamaanka.

XS
SM
MD
LG