Isku xirrada

War

Muqdisho: Duqeyn dhalisay Dhimasho badan


Muqdisho: Duqeyn dhalisay Dhimasho badan

Muqdisho: Duqeyn dhalisay Dhimasho badan

Ugu yaraan 16 oo ay ku jiraan qoys ka kooban 4 iyo haweenayn uur leh ayaa ku dhintay duqeyn culus oo ka dhacday Muqdisho.

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay ilaa 27-kalena way ku dhaawacmeen duqeyn ka dhacday fiidnimadii caawa (Talaado) magaalada Muqdisho.
Duqeyntan oo u dhaxeysay ciidamada DKMG/AMISOM iyo maleeshiyada Al-shabaab ayaa ka kala dhacey deegaannada ay labada dhinca isaga soo horjeedaan, iyadoo madaafiicda xooggeedu ay ku dhaceen goobo ay ka mid yihiin suuqa Bakaaraha iyo deegaanka Ex-Fiyoore.

Madfac ku dhacay suuqa Cabdalla Shideeye ee Bakaaraha gabal-dhacii ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa 13 qof oo ay ku jiraan qoys ka kooban aabbe iyo hooyo iyo 2 caruur ah oo ay dhaleen, waxaana sidoo kale madfac kale oo ku dhacay xarunta Ex-Fiyoore ee dagmada Wardhiigleey ku geeriyooday 3 qof oo mid ka mid ah ay ahayd haweeneey xaamilo ah.

Duqeyntan ayaa socotay galinkii danbe ee shalay oo Talaado ahayd ilaa fiidnimadii xalay, waxayna noqonaysa tii ugu ba'anayd ee mudooyinkan ka dhaca magaalada Muqdisho.

XS
SM
MD
LG