Isku xirrada

War

Muqdisho: Dibadbax lagu taageeray Dilkii bin Laden

  • VOA Somali

Muqdisho: Dibadbax lagu taageeray Dilkii bin Laden

Muqdisho: Dibadbax lagu taageeray Dilkii bin Laden

Dibadbaxan lagu taageeray dilkii Osama bin Laden waxa uu ka dhacay qeybta ay dowladda KMG ah ka taliso ee Caasimadda Muqdisho.

Dibadbax lagu taageeray dilkii hoggaamiyaha al-Qaacida, Osama bin Laden ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.

Dibadbaxayaasha waxay ku dhowaaqayeen hal ku dhigyo ku baaqayay in la soo afjaro argagixisinimada iyo kooxda al-Qaacida taageersan ee al-Shabaab.

Ciidan ka tirsan dowladda KMG ah ayaa ilaalinayay, maadaama uu dibadbaxu ka dhacayay qeybaha ay dowladdu ka maamusho caasimadda.

Kooxda al-Shabaab ayaa ka talisa qeyb ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale maamusha qeybo ballaaran oo ka tirsan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. Afhayeen u hadlay al-Shabaab ayaa ku hanjabay inay geysan doonaan weeraro ay ugu aargudayaan dhimashada hoggaamiyaha al-Qaacida, Osama bin Laden.

Saraakiisha Soomaalida waxay rumeysan yihiin in dilka bin Laden uu hoos u dhigayo taageeradii al-Qaacida ee kooxda al-Shabaab. Boqolaal dagaalyahanno ajaanib ah ayaa la aamisan yahay in ay garab siinayaan kooxda al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG