Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dibadbax Labo Ruux ku Dhimatay


Muqdisho: Dibadbax Labo Ruux ku Dhimatay
Muqdisho: Dibadbax Labo Ruux ku Dhimatay

Mid ka mid ah dibad-baxayaasha ayaa VOA u sheegay in dhimashadu ay dhacday ka dib markii ay israsaaseyn dhacday.

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen dibad bax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu taageerayay shirkii wadatashiga Soomaalida ee Arbacadii lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi.

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa dhacay ka dib markii ay israsaaseeyeen labo ciidan, sida ay VOA-da u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Dadka dibadbaxa sameynayay ayaa isugu soo ururay halka lagu magacaabo Taalada Daljirka Dahsoon, amma agagaarka xaruntii hore ee baarlamaanka.Waxayna siteen calamo iyo boorar ay ku qoran yihiin qoraalo lagu taageerayay shirkii wadatashiga ee Nairobi iyo kuwo ay ku muujinayeen doonistooda isbedel dowladnimo.

Gabar ka tirsaneyd bannaan baxayaasha ayaa VOA u sheegtay in dibadbaxaasi ay soo abaabuleen ururada dhaliyarada si degganna uu ku bilowday, hase yeeshee si rabshadeysan uu ku soo dhammaaday.

Goobjoogahaasi waxay VOA u sheegtay ciidan ka tirsan dowladda KMG ah ay u yimaadeen, kuna amreen in ay joojiyaan dibadbaxa ay sameynayaan, hase yeeshee ay ka dhaga adeygeen amarkaasi.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in bannaan baxaasi uu ahaa mid aan lagu wargelin bannaan baxaasi.

Xoghayaha Guud ee maamulka gobolka Banaadir Cabdikaafi Hilowle Cismaan ayaa VOA-da u sheegay in dibadbaxa uu ahaa mid rabshadeysan oo lagu taageerayay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Agustin Mahiga.

Wuxuu sheegay in ay israsaaseeyeen ciidamo kala taabacsan maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Cabdikaafi waxa uu intaa ku daray in israsaaseyntaasi ay dhinaca ciidanka guddoomiyaha gobolka Banaadir ay kaga dhaawacmeen saddex askari, halka ciidanka Maxamed Dheerena uu kaga dhintay hal askari.

XS
SM
MD
LG