Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dhakhtar Xirfaddiisa Tabarrucaya


Muqdisho: Dhakhtar Xirfaddiisa Tabarrucaya
Muqdisho: Dhakhtar Xirfaddiisa Tabarrucaya

Dr. Ismaaciil Mocalim Xasan oo ka hawlgala magaalada Santiego ee gobolka California ee dalkan Maraykanka ayaa Muqdisho tegay.

Xilligan oo Soomaaliya ay ka jiraan abaaro iyo macluul, ayaa dhanka kale waxaa soo badanaya cudurada ka dhasha nafaqa darrida kuwaasoo caruur iyo dad waaweynba soo ridanaya.

Meelaha dadkaasi lagu daweeyo waxaa ka mid ah Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ee magaalada Muqdisho, halkaasoo la soo sheegayo inaysan dhammeystirneyn adeegyadii dadka kaafin lahaa.

Dr. Ismaaciil Macalim Xasan, waa dhakhtar ka hawlgala magaalada Santiego ee gobolka California ee dalkan Maraykanka, isla markaana la taliye u ah hay’adda Qaxootiga Maraykanka ee ARC, ayaa markiisii ugu horreysay muddo 20 sano ah Muqdisho u tegay inuu si tabarucaad ah dadka u daweeyo.

XS
SM
MD
LG