Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Deeq ka Timid Shacbiga Maraykanka


Qayb ka mid ah Daawada
Qayb ka mid ah Daawada

Dowladda Somalia ayaa maanta soo bandhigtay deeq daawo ah oo ka timid Shacbiga Maraykanka.

Deeqdaan daawada ah ayaa lagu sheegay in ay gaarayso 10 tan waxaana laga soo dejiyay dekedda Muqdisho.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Khaalid Cali Cumar oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha dekada Muqdisho ayaa saxaafadda ugu soo bandhigay deeqdaan daawada ah.

Sidoo kale wasiiru dowlaha waxaa uu umahad celiyay shacbiga Maraykanka ee soo dhiibay daawadaan.

Mr Khaalid waxaa intaa ku daray in aan loogu soo dhiibin dowlada in ay dagaal ku gasho dawadaan.

Deeqdan ayaa waxa isku soo dubariday ururka American-Somali Healthcare Foundation, guddoomiyaha ururkaasi Cabdicaziiz Muuse Maaxay ayaa VOAda u sheegay in deeqdan loogu talagalay dadka bukaanka ah gaar ahaa haweenka.

Mr Maaxaay ayaa sheegay in deeqdan lagu wareejin doono ururka aan dawliga ahayn ee COGWO.

XS
SM
MD
LG