Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dagaalo Maalintii 2aad socda


Muqdisho: Dagaalo Maalintii 2aad socda
Muqdisho: Dagaalo Maalintii 2aad socda

Khasaaraha ka dhashay dagaalada maalintii labaad ka socda Muqdisho waxa uu saameyn ku yeeshay dadka rayidka ah.

Dagaaladan maanta dhacay ayaa dadka ku geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmayba waxa ay u badan yihiin, dad ay madaafiicda iyo rasaasta habowga ahi ugu tagtay deegaanada ay daganyihiin, waxana goobaha ay dhimashadu ka dhacday ka mid ah gudaha suuqa bakaaraha halkaasoo madfac ku soo dhacay uu ku habsaday gaari BL ah, isla markaana ay ku dhinteen ilaa 4 qof 5 kalena ay ku dhaawacmeen.

Deegaanada ay sidoo kale dhimashadu ka dhacday ayaa waxaa ka mid ah xaafadda Cali Caliyow ee dagmada Hawl-wadaag iyo deegaano ku teetsan dagmooyinka wardhiigleey iyo hodan oo iyaguna ay madaafiicda habowga ahi ku dhaceen.

Dagaalada maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaan la ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka soo gaaray dhinacyadii uu u dhaxeeyay, mana jirto ilaa iminka wax war ah oo ku saabsan khasaaraha dagaaladaasi oo ka soo baxay labada dhinac.

XS
SM
MD
LG