Isku xirrada

War

Muqdisho: Dagaalo Hor Leh oo Galabta Qarxay


Dagaalada galabta qarxay waxaa la sheegay inay ku lug leeyihiin ciidamada AMISOM.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalo cusub ay galabta ka qarxeen qeybo ka mid ah dhinaca waqooyi ee magaaladaasi.

Xaafado ka mid ah degmada Boondheere ayaa lagu soo warramayaa inuu ka qarxay dagaal ay ku leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo wataa hub culus oo ay ku jiraan dabaabaadka dagaalka.

Dagaalka galabta waxaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen ugu yaraan lix qof oo isugu jira haween iyo caruur, kuwaasoo ku dhintay madaafiic ugu tagtay xaafado ku yaalla meelo ka fog goobaha dagaalka.

Wararka laga helayo jiidaha hore ee dagaalka waxay sheegayaan in kooxda xoogagga kooxda al-Shabaab ay ku soo durkeen fariisimo ay degmada Boondheere horey u joogeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG.

Dagaalka cusub ee galabta ka qarxay Muqdisho ayaa qeyb ka ah dagaalo shalay gelinkii dambe ka bilowday waqooyiga Muqdisho.

Laamaha caafimaadku waxay sheegeen in tan iyo shalay ay dagaalada muqdisho ku dhinteen dad ka badan 30 qof, 80 kalena ay ku dhinteen.

Si kastaba ha ahaatee dagaaladan ayaa barbar socda duqeymo culus oo ku dhacaya goobo ka fog dagaalka.

XS
SM
MD
LG