Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Bakaaraha oo lagu Dagaallamayo


Muqdisho: Bakaaraha oo lagu Dagaallamayo
Muqdisho: Bakaaraha oo lagu Dagaallamayo

Dagaalo goos goos ah ayaa ka socda qaar ka mid ah waddooyinka Suuqa Baakaraha ee soo xiga wadada wadnaha ee ay dowladdu la wareegtay.

Dagaalo goos goos ah ayaa ka soconaya magaalada Muqdisho, kuwaasoo qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ay ku dhex marayaan ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa al-Shabaab.

Ganacsigii Bakaaraha ayaa hakad galay ka dib markii ciidamada dowladda ay dhufeysyo ka sameysteen isgoysyo muhiim ah oo ku yaalla wadada Wadnaha ee ku dhow suuqaasi.

Xoogga al-Shabaab ayaa iyaguna la sheegay inay difaacyo ka galeen waddooyinka gudaha Bakaaraha ee ku dhow wadada wadnaha ee ay ciidamada dowladdu joogaan.

Wararku waxay kaloo sheegayaan in xoogga al-Shabaab ay doonayaan inay dusha u fuulaan dhismayaasha dhaadheer ee ganacsi ee shirkaduhu ka degan yihiin suuqa Bakaaraha, hase yeeshee ganacsatadu ay ka biyo diiddan yihiin arrintaasi.

Ganacstada ayaa ku andocooday in hantidoodu ay burbur soo gaari doonto, haddii xoogagga al-Shabaab ay dusha u fuulaan dhismayaashooda Bakaaraha.

Dowladda KMG ah ayaa sheegtay inay si taxadar leh ay u wajihi doonto suuqa Bakaaraha, ayna badbaadin doonto hantida taalla.

XS
SM
MD
LG