Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dagaallo Socda Maalintii 5-aad


Dagaallada Muqdisho ayaa galay maalintii 5-aad. 51 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, halka sidoo kale 184 qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen.

Dagaallada ka socda magaalada Muqdisho ayaa sii xooggeysanaya maalinba maalinta ka danbeysa, iyadoo maanta galinkiii danbe ay dagaallo culus ka dhaceen degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag.

Dagaalladan oo maalintii shanaad socda, ayaa sii xooggeystay maanta kadib markii saldhigyo ay leeyihiin ciidamada DKMG iyo ururka Ahl-Sunna ay weerar ku qaadeen xoogagga Al-Shabaab.

Ilaa 8 qof oo ah dhinacyadii dagaallamayay ayaa haatan la soo wariyay inay ku dhinteen dagaalladan maanta dhacay, iyadoo ay jiraan madaafiic habow ah oo ku dhacay guryaha ay degan yihiin dadka rayidka ah.

Ururka Al-Shabaab maleeshiyadooda ayaa la wareegay fadhiisin ay deegaanka Siigaale ku lahaayeen maleeshiyada Ahlu-Sunna, laakiin dhinaca Ahlu-Sunna ma xaqiijin in goobtaasi laga qabsaday.

Dagaalladan maanta ayaa ku soo beegmaya iyadoo DKMG ay maanta uga digtey dadka Muqdisho ku nool weerarro hor leh oo ka imanaya dhinaca Al-Shabaab. Dowladdu waxay sheegtay inay warhayaan isla markaana ay diyaar u tahay weerar kasta oo lagu soo qaado

Dagaalladan ka socda Muqdisho ayaa tirada dhimashada guud ee dadka rayidka ah waxay haatan maraysaa 51 qof, iyadoo dhaawucuna yahay 184 qof, waxaana tiradaasi VOA u xaqiijiyay howl-wadeenada caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Lama ogase khasaaraha dhimasho iyo dhaawac leh ee dhinacyada dagaallamaya soo kala gaaray.

XS
SM
MD
LG