Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dagaallo iyo Madaafiic Isbar-bar socda


Muqdisho: Dagaallo iyo Madaafiic Isbar-bar socda
Muqdisho: Dagaallo iyo Madaafiic Isbar-bar socda

Ugu yaraan 10 qof ayaa dhintay, in kabadan 30-na way dhaawacmeen kadib markii dagaallo xooggan iyo madaafiic ay ka dhaceen xaafaddo ka tirsan Muqdisho.

Dagaallo xoogan iyo madaafic sababay khasaare isku jira dhimasho iyo dhaawc soo gaadhay dad rayid ayaa galabta galinkii danbe ka dhacay qeybo ka mida magaalada Muqdisho.

Dagaalladan oo xooggooda ay soo qaadeen maleeshiyda Al-shabaab ayaa inta badan ka dhacay degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere, waxaana inta la ogyahay ku dhintay dad ka badan 10-qof oo rayid ah oo intooda badan ku sugnaa suuqa Bakaraha.

Sidoo kale dagaalladan ayaa la sheegay in ay ku dhaawcmeen inkabadan 30- qof sida VOA-da uu sheegay Cali Muuse Sheikh oo ah madaxa Gaadiidka gurmadka deg dega ee Muqdisho.

Dagaalladan iyo madaafic ay isdhaafsanayaan labada dhinic ayaa soo gaadhay caawa gabal dhicii xilliga magaalada Muqdisho.

Ururka Al-shaabaab afhayeen u hadlay ayaa maanta sheegay in ay qaadayan dagaal ka dhan ah ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG.

XS
SM
MD
LG