Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Ciidamada Dowladda oo 3 Qof Toogtay


Hay’adda nabad sugidda dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa Maanta Saxaafada u soo bandhigtay meydka mid kamid ah labo nin oo ay xalay ku toogteen nawaaxiga Isgoyska Baar Ubax degmada Wardhiigley ee Mgaalada muqdisho .

Taliyaha hey’ada Nabadsugida Gobalka Banaadir khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in ragga la toogtay oo Bastoolado ku hubeysnaa ay ka danbeyeen dil loo geystay sida uu sheegay askari ciidamada nabadsugida ka tirsan iyo qof rayid ah islamarkana ay Falal amni daro ah kawadeen deegaanadaasi.

Wararka ayaa sheegay in labada dhinac ay israsaaseyn dhexmartay ka hor inta aan ragaasi la toogan waxaana ku dhaawacmay dad wada marary xilliga uu falka dhacay oo uu ka mid ahaa Tafiftiraha idaacada Simba ee Muqdisho C/casiis Maxamed Diiriye.

XS
SM
MD
LG