Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Ciidamada AMISOM iyo Shabaab oo Dagaalamay


Muqdisho: Ciidamada AMISOM iyo Shabaab oo Dagaalamay
Muqdisho: Ciidamada AMISOM iyo Shabaab oo Dagaalamay

Dagaaladan ayaa dhacay xilli uu madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed wacad ku maray tayeynta ciidamada Xoogga dalka.

Goobjoogayaal ku sugan caasimadda soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhintay, ugu yaraan laba kalena ay ku dhaawacmeen Sabtidan maanta ah isku dhac hubeysan oo dhex maray xoogagga Al-shabab iyo askarta dowaladda ku meel gaarka ah oo ay garabsiinayaan xoogagga midowga Africa ee AMISOM.

Xoogagga al-shabab ayaa la sheegayaa inay weeraro aan kala joogsi lahayn ku qaadeen askar ku sugan meel ku dhow xarumo milatari oo ku yaalla woqooyiga muqdisho.

Horraantii toddobaadkan, ayay ugu yaraan 10 qof ku naf waayeen, dhowr kalana uu dhaawac ka soo gaaray isku dhacyo kale oo u dhexeeyay askarta dowladda iyo xoogagga al-shabab.

Dagaalka toddobaadkan ayaa inaamaya, iyadoo uu madaxweynaha dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed uu nadir ku maray inuu horumarinayo xoogaga amaanka, dibna u hanan doono gacan ku haynta magaalada Muqdisho.

XS
SM
MD
LG