Isku xirrada

War

Muqdisho: Askari ka tirsan AMISOM oo la Dilay


Muqdisho: Askari ka tirsan AMISOM oo la Dilay

Muqdisho: Askari ka tirsan AMISOM oo la Dilay

Af-hayeenka ciidamada AMISOM Major Barigye Ba-Huku ayaa sheegay in askari ka tirsan AMISOM la toogtay kaddibna maydkiisa ay jiiteen Al-shabaab.

Hawlgalka ciidamada Amisom ayaa xaqiijiyey in askari ay maydkiisa soo bandhigeen ururka Al-Shabab maalintii shalay ahayd uu yahay askari u dhashay dalka Uganda.

Af-hayeenka ciidamada AMISOM Major Barigye Ba-Huku ayaa u sheegay idaacadda VOA qaybta afka Soomaaliga in askarigaasi la toogtay isagoo ku sugan bar wax laga ilaaleeyo kadibna maydkiisa la jiitay.

Waxa uu sheegay in inkastoo aysann baadhitaan ay wadaan aysan dhammaystiran haddana ay muuqato inay arrintani dhacday habeenkii Sabtida.

“Mar walba weerar ayey ku soo qaadaan goobaha aynu ku sugananahay, kooxashaas xagijirka ah, mid ka mid ah weerarradaasina waxay ku dileen askarigaas,” ayuu yiri.

Major Barigyee Ba-Huku oo ka hadlayey goorta ay ka war heleen taliska AMISOM inuu askarigaasi ka maqan yahay ayaa sheegay ilaa shan askari oo habeenkaasi ay waxyeello soo gaadhay la geeyey cisbitaalka balse ay maalintii Axaddii ee xigtay ka war heleen ninkaasi maqnaanshihiisa kadib markii ay maydkiisa soo bandhigeen ururka Al-Shabab.

XS
SM
MD
LG