Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Ansixinta Ra'iisal Wasaraha Cusub?


Muqdisho: Ansixinta Ra'iisal Wasaraha Cusub?
Muqdisho: Ansixinta Ra'iisal Wasaraha Cusub?

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa ku kala aragti duwan qaabka codka kalsoonida loogu qaadi lahaa ra'iisal wasaaraha cusub.

Xildhibaanada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa weli ku kala aragti duwan qaabka kalsooni siinta ra’iisal wasaaraha cusub ee uu madaxweyne Shariif soo magacaabay.

Xildhibaanada ayaa qeybtood doonaya in codka kalsoonida loogu qaado hab gacan taag ah, halka kuwo kalena ay doonayaan in codka qarsoodi laga dhigo.

Mooshinkaasi ayaa sababay mudanayaashu ay arbacadii isku afgaran waayaan in codka kalsoonida loo qaado ra’iisal wasaaraha cusub ee dhowaan la magacaabay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaana maanta magaalada Muqdisho ka dhacay dibadbax ay dadkii ka qeybgalay ay ku dalbanayeen in xildhibaanadu ay codka kalsoonida siiyaan ra’iisal wasaaraha cusub.

Dibad baxaasi waxaa ka qeybgalay mudanayaal baarlamaan iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda KMG ah, kuwaasoo iyaguna ku baaqayay in in rabitaanka dadka la tixgeliyo.

Dhanka kale waxaa isagana shir isugu yimid xildhibaanadii taageersanaa in codka kalsoonida laga dhigo qarsoodi.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka qeybgalay kulankaasi ayaa VOA u sheegay in ujeedada kulankoodu uu ahaa in loo hogaansamo go’aanka baarlamaanka oo uu sheegay inuu ahaa in codka kalsooni siinta ra’iisal wasaaraha laga dhigo mid qarsoodi ah.

Wuxuu sheegay in kulankooda ay ka soo saareen baaq ay u jeedinayaan dhammaan madaxda sarsare oo uu madaxweynuhu ku jiro.

XS
SM
MD
LG