Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaalkacyo: Iskuulada Iyo Ganacsiga Oo Xiran


Iskuulada badankood ayaa xiran, ganacsigiina hoos u dhac ayaa ku yimid, waxaana Gaalkacyo ka taagan cabsi dagaal.

Goobihii waxbarashada magaalada Gaalkacyo ayaa xiran, ganacsigiina hakad ayuu ku jiraa kadib markii ay miro dhali waayeen waan waan laga dhex waday labada dhinac ee magaalada ku dagaalamay axaddii.

Sheekh Muxuyadiin Yuusuf oo ah madaxa jamciyadda GAZDA oo ay hoos tagaan in ka badan 13 iskuul oo Gaalkacyo ku yaal, ayaa VOA u sheegay in adeegii waxbarashada uu meesha ka baxay kadib iska horimaadkii axaddii, oo iskuulada ay xiran yihiin.

Xiisadda Gaalkacyo ka jirta, waxa ay sidoo kale saamayn ku yeelatay dhaq dhaqaaqa ganacsiga magaalada, gaar ahaan suuq wayn ee bartamaha magaalada oo ganacsigiisu aad u hooseeyo, sida ay VOA u sheegtay Canab Maxamuud Ashkir oo ka mdi ah dadka halkaasi ku ganacsada.

Sidoo kale hoteellada magaalada Gaalkacyo, ayaa laga dareemayaa inaysan dadka u imaneyn sidii hore, sida uu sheegay C/llaahi Maxamed Cawaale, oo ah maamulaha hoteelka embassy ee magaalada Gaalkacyo.

Waxaa magaalada weli ka taagan cabsi ah in isku dhac uu billaaban karo waqti walba.

Warbixintan waxaa Gaalkacyo ka soo diray Cabdiwaaxid Macallin Isaaq.

Warbixin: Xaaladda Gaalkacyo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:10 0:00

XS
SM
MD
LG