Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: 22 qof oo ku dhintay Dagaallo


Dagaallo cusub ayaa galabta kasii socday Magaalada Muqdisho iyadoo dad gaaraya 22 ruux oo dhinacyadii is hayey ay ku dhinteen

Tiro gaaraysa 22 ruux oo u badan dhinacyadii dagaalamayey ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dagaallo galabta ka dhacay magaaladda Muqdisho, halka tiro intaas ka badanina ay ku dhaawactay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaadka Al-shabab ay dib u qabsadeen goobo horey maanta dagaaladadii galinkii hore ay ciidamada dawaldu ku qabsadeen, gaar ahaan Wasaaradii Arrimaha Gudaha.

Dhinaca kale, mid ka mid ah gawaarida gaashaaman ee ay adeegsadaan ciidamada AMISOM ayaa galabta gantaal ku dhacay agagaarka hotel Juba inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn inay waxyeelo gaartay ciidamadii saarnaa iyo in kale.

Dagaalladan ayaan xilligan u muuqda kuwo qaboobay inkastoo ay socoto madiifiic xoog badan oo ay adeegsanayaan dhinacyada is hayaa kuwaas oo laga maqlayo guud ahaan magaalada Muqdisho.

XS
SM
MD
LG