Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: 16 qof oo ku Dhintay Duqeyn iyo Qarax.


Muqdisho: 16 qof oo ku Dhintay Duqeyn iyo Qarax.
Muqdisho: 16 qof oo ku Dhintay Duqeyn iyo Qarax.

9 qof oo rayid ah ayaa dhintay kadib duqeyn ka dhacday xaafaddo ka tirsan Muqdisho. 6 qof oo kale ayaa dhintay kadib miino la qaraxday baabuur.

Ugu yaraan 9 qof ayaa dhintay 20-kalena way dhaawacantay kadib markii duqeyn culus ay galinkii danbe ee maanta ka dhacday xaafaddo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Goobaha ay dadka ugu badan ku dhinteen ayaa aha suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta suuqa Cowska iyo bartmaha suuqa bakaaraha.

Dhinaca kalena, Ugu yaraan 6 qof ayaa inta la og yahay ku dhimatay, 26-kalana dhaawac waxaa soo gaaray dhaawacyo, k dib markii saddex ka mid ah gawaarida dadweynaha ee isaga kala goosha xaafadda Madiina ee iyo suuqa Bakaaraha ay miino kula qaraxday agagaarka kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Madaafiicda iyo miinada la kacday baabuurta ayaa ku soo beegmaysa iyadoo magaalada Muqdisho ay maanta galinkii hore daganayd, kadib dagaallo xooggan oo siddeedii maalmood ee la soo dhaafay socday.

XS
SM
MD
LG