Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriinya Yurub oo u Lugeynaya Vienna


Muhaajiriinta oo lugeynaya
Muhaajiriinta oo lugeynaya

Waddada A4 ee dalka Austria, ayaa sidoo kale laga xiray baabuurta, taasi oo fursad u siisay qaxootiga qul-qulaya inay u dhaqaaqaan magaalada Vienna, si ay magangalyo u weydiistaan Austria, ama usii gudbaan Jarmalka.

Kumanaan muhaajiriin ah ayaa ka lugeynaya xuduudda Austria iyo Hungary, ayaga oo kusii jeeda magaalada Vienna, kadib markii qadka tareen ee taga magaalada caasimadda ah la joojiyey.

Saraakiisha ayaa sheegaya in hadda iyo wixii ka dambeeya aysan lahayn awood ay kula tacaalaan dadkan dudaya ee doonaya inay raacaan tareennada safarkan 60-ka kilometer ah.

Waddada A4 ee dalka Austria, ayaa sidoo kale laga xiray baabuurta, taasi oo fursad u siisay qaxootiga qul-qulaya inay u dhaqaaqaan magaalada Vienna, si ay magangalyo u weydiistaan Austria, ama usii gudbaan Jarmalka.

Dhinaca kalena, Booliiska hungary ayaa billaabay baaritaan lagu sameynayo video lasoo dhigay internet-ka oo muujinaya sarkaal booliis ah oo wejiga dabooshay, kaasi oo rooti hilib la dhex geliyey ku tuuraya dadka muhaajiriinta ah.

Hungary, ayaa waxaa horey loogu cambaareeyey sida ay ula dhaqanto muhaajiriinta, marka loo eego soo dhoweynta diiran ee muhaajiriinta ay ka helayaan dalalka Austria iyo Germany.

XS
SM
MD
LG