Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriin ku Dhintay Xeebaha Libya


Meydad ay soo qaadeen ciidamada ilaalada xeebaha Libya. August 27, 2015.
Meydad ay soo qaadeen ciidamada ilaalada xeebaha Libya. August 27, 2015.

Dooni ay ka buuxeen dad muhaajiriin ah oo ka tagtay xeebaha Libya kuna socotay Talyaaniga ayaa quustay. Qiyaastii 200 oo qof aayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen, iyadoo 200 kalena la soo badbaadiyay.

Dooni ay ka buuxeen dad muhaajiriin ah oo ka tagtay xeebaha Libya kuna socotay Talyaaniga ayaa quustay. Mas’uuliyiinta waxa ay ka cabsanayaan in qiyaastii 200 oo qof ay geeriryoodeen inkasta oo tirada rasmiga ah aan la ogeyn.

Saraakiisha waxay sheegeen in ciidamada ilaalada xeebaha Libya ay soo bad-baadiyeen 200 oo qof oo kale oo saarnaa doontan ku quustay badda magaalo xeebeedka Zuwara, goor dambe oo maalintii khamiista ahayd.

Saraakiisha ammaanka waxa ay sheegeen in dadka muhaajiriinta badankood ee saarnaa doontan ay ka yimaadeen dalalka Saxaraha ka hooseeyaa ee Africa, Pakistan, Syria, Morocco iyo Bangladesh.

Mid ka mid ah dadka doonta saarnaa oo bad-baaday, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in doontu ay ahayd mid ku sugan xaalad aad u liidata markii ay dhaqaaqeysay.

XS
SM
MD
LG