Isku xirrada

War

Mugisha: Al-Shabaab waa laga Adkaaday


Xoogagga militariga ee Midowga Afrika ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ururka Alshabab ay kaga adkaadeen magaalada Muqdisho. Wariye ka tirsan VOA oo hadda ku sugan caasimadda Soomaaliya ayaa ku soo waramaya in sarkaal ka tirsan AMISOM uu saadaalinayo in kooxda al-Shabaab goor dhow dalka oo dhan laga tirtiri doono.

Hogaanka ciidanka AMISOM General Fred Mugisha ayaa sheegay in kooxda dagaalhaniiinta ah ee Alshabab laga saaray qeyb kasta oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

“Dhamaan magaalada Muqdisho oo dhan waxa hadda xoreeyey xoogagga Gaashaandhiga ee Soomaaliya kuwaas oo ay taageereen ciidanka AMISOM”

XS
SM
MD
LG