Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mudug: Saddex Ruux oo ku Dhimatay Dagaal


Mudug: Saddex Ruux oo ku Dhimatay Dagaal
Mudug: Saddex Ruux oo ku Dhimatay Dagaal

Maamulka gobolka Mudug ee dhanka Puntland ayaa sheegay in dagaalkaasi uu dhexmaray dad beeralay ah iyo kooxo hubeysan oo soo weeraray.

Ilaa saddex ruux ayaa ku dhimatay iska horimaad deegaan ku dhow Gaalkacayo ku dhexmaray beeraley iyo koox hubeysan.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Axmed Cali Salaad oo VOA-da u warramay ayaa sheegay in iska horimaadku uu dhexmaray dad beeralay ah iyo kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday.

Wuxuu sheegay in isaga iyo ciidamo ka tirsan booliska ay gaareen deegaanka Taallo Cad oo uu dagaalku ka dhacay, kana qeyb qaateen joojinta dagaalka. Wuxuu sheegay in odayaasha raggii weerarka soo qaaday ay kala hadleen inay soo baaraan halka ay ka yimaadeen ragga weerarka geystay isla markaana tallaabo ay ka qaadaan.

XS
SM
MD
LG