Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mudug: Dagaal Dhimasho Sababay


Mudug: Dagaal Dhimasho Sababay
Mudug: Dagaal Dhimasho Sababay

Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku geeriyootay in ka badan 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay deegaanka Dhegtuur ee gobolka Mudug

Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen markii maanta dagaal uu ka dhacay deegaanka Dhagtuur ee gobolka Mudug.

Dagaalkan maanta ayaa imanaya xili guddi dhexdhexaadin ah oo bilihii u dambeeyey u hawlanaa xallinta arrintaas ay sheegeen in meelo wanaagsan ay u marayso howlahoodii nabadeynta.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid ka hadashay dagaalkii maanta haddii ay ahaan lahayd labada maamul ee deegaanka iyo gudigii dhexdhexaadinta midkoodna.

Deegaanka Dhagtuur ayaa qiyaastii 120km dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Galkacayo.

Wareysi arrintaas ku saabsan qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG