Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mudaaharaad ka Dhacay Bristol


Mudaaharaad ka Dhacay Bristol
Mudaaharaad ka Dhacay Bristol

Soomaalida ku nool magaalada Bristol ayaa isugu soo baxay banaanbax ay ku cabaaraynayaan afduubka loo haysto lamaanaha u dhashay Britain ee Somalia lagu haysto.

Banaanbaxan ayaa ku qabsoomay masaajid ku yaalla magaalada Bristol.

Warbaahinta dalka Britain ayaa goobjoog u ahayd banaanbaxan oo dadkii ka soo qaybgalay ay muujinayeen sida ay uga xunyihiin in budhcadbadeed Soomaali ah ay madaxfurasho u haystaan lamaanaha u dhashay dalka Britain.

Xubno badan oo ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ah ee ku dhaqan magaalada Bristol ayaa goobtaasi ku sugnaa iyaga oo wattay Boodhadh ay ku qoranyihiin codsiyo lagu dalbanayo in la sii daayo labadaasi qof.

Kaysar Cabdilaahi oo tifaftire ka ah wargayska Somali Voice ee dalka Britain oo ka mid ah dadka soo qabanqaabiyay banaanbaxan ayaa VOAda u sheegay in jaaliyad ahaan ay aad uga xunyihiin in falkaasi ay ku kacaan dad Soomaali ah.

Waxaana uu tilmaamayin labadaasi qof ay yihiin dad waayeel ah oo caafimaadkoogu liito, waxaana uu tilmaamay in afduubkoodu ceeb ku yahay jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku dhaqan dacalada dunida, gaar ahaan dalka Britain oo ay labadan qof u dhasheen.

XS
SM
MD
LG