Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka Uganda Oo "Rasaas Lagu Furay"


Kizza Besigye (Hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn Uganda)
Kizza Besigye (Hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn Uganda)

Mucaaradka ayaa cambaareeyey xabado iyo sunta dadka ka ilmeysiisa oo booliiska ay ku fureen taageerayaasha mucaaradka.

Mucaaraadka ugu weyn dalka Uganada ayaa sheegay in rabshadaha booliiska ee ka dhanka ah mucaaradka ay qeyb ka yihiin qorshe lagu arbushayo doorashada qaran ee dalkaas ka dhaceysa bisha February, islamarkaana lagu caawinayo madaxweyne Yoweri Museveni inuu xukunku sii hayo.

Booliiska Uganada ayaa arbacadii gaaska dadka ka ilmeysiiya iyo xabado ku furay taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn, ahna musharaxa madaxweyne, Kizza Besigye, degmada Bukwe.

Besigye ayaa sheegay inay casuumeen odayaasha degmada si uu booqdo xero ay ku nool yihiin dadka dalka gudihiisa ku barakacy.

Hase yeeshee Booliiska ayaa sheegay in Besigye uusan booqan karin degmadaas, sababta oo ah qeyb kama ahayn diiwaankiisa ololaha doorashada.

Dhacdadan ayaa timid isla maalinkii musharaxa madaxa banaan, ahna ra’iisul wasaarihii hore, Amama Mbabazi uu sheegay in ciidamada ammaanka oo amar ka heleya Guddiga Doorashooyinka Qaran ay ka horistaageen inuu ka qeyb galo barnaamij Radio.

Besigye, waxa uu sheegay in musharaxiinta ay qasab tahay in loo ogolaado inay la hadlaan codbixiyayaasha, meel kasta oo ay joogaanba.

XS
SM
MD
LG