Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaddaafi oo lagu Qabtay Magaalada Sirte


Qaddaafi oo lagu Qabtay Magaalada Sirte
Qaddaafi oo lagu Qabtay Magaalada Sirte

Golaha KMG ee dalka Libya ayaa sheegay in ciidamada goluhu ay qabteen hoggaamiyihii hore ee Libya Mucammar al-Qaddaafi, laakiin wararkan ayaan si madax bannaan loo xaqiijin

Hoggaamiyaasha ciidamada ee golaha KMG ee Libya ayaa sheegaya in Qaddaafi la qabtay maanta oo Khamiis ah waxyar kaddib markii ciidamada Golahu ay qabsadeen magaalada Qadaafi uu ku dhashay ee Sirte.

Wasaaradad Arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay inaysan xaqiijin karin qabashada Qaddaafi.

Warar horey u soo baxay ayaa sheegay in Qaddaafi la qabtay isagoo isku dayay inuu ku baxsado kolonyo baabuur ah oo ka baxayay magaalada Sirte. Wakaaladda Reuters ayaa soo xigatay sarkaal ka tirsan golaha oo sheegay in Qaddaafi laga dhaawacay labada lugood.

XS
SM
MD
LG