Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mubarak oo Awoodihii Qaar Wareejiyay


Mubarak oo Awoodihii Qaar Wareejiyay
Mubarak oo Awoodihii Qaar Wareejiyay

Mubarak wuxuu hawsha mas'uuliyadda dalka ku wareejiyay ku xigeenkiisa, Cumar Sulaymaan.

Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak ayaa ku xigeenkiisa Cumar Suleyman uu ku wareejiyay, qaar ka mid ah awoodihii uu hayay. Hase yeeshee kuma uusan dhowaaqin inuu is casilay.

Madaxweyne Mubaarak ayaa shacabka dalka Masar kala hadlay telefishanka qaranka, xilli aad loo hadal hayay in uu qaadan doono go'aan uu kaga jawaabayo dalabaadka shacabka mudaaharaadaya.

Mr. Mubaarak ayaa sheegay inuu sii joogi doono ilaa bisha September, isagoo sheegay in uu ka shaqeynayo sidii isbedel loo sameyn lahaa oo dalka lagu hogaamin lahaa doorashooyin guud.

Maalintii 14aad ayaa mudaharaadyo ballaaran ay ka dhacayaan dalka Masar oo lagu dalbanayo in madaxweyne Mubaarak uu iscasilo.

XS
SM
MD
LG