Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mubaarak oo la soo taagay Maxkamad


Mubaarak oo la soo taagay Maxkamad
Mubaarak oo la soo taagay Maxkamad

Madaxweynihii hore ee dalka Masar iyo qaar ka tirsan kaaliyeyaashiisii hore oo ay ku jiraan laba wiil oo uu dhalay ayaa maanta maxkamad la soo taagay.

Masar ayaa bilowday bilowday maxkamadeynta madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamed Xusni Mubaarak, ku dhowaad lix bilood ka dib markii xukunkiisa lagu afgembiyay kacdoon socday 18 maalmood, kaasoo ku baaqaya isbedello dimoqraadiyadeed.

Mubaarak ayaa la keenay maxkamadda, isagoo lagu riixayo sariir kuwa Isbitaallada, waxaana uu dul saarnaa sariitiisa ilaa inta uu socday dhageysiga.

Mr. Mubaarak waxa uu si cad u beeniyay dhamaan eedeeymo isaga ka dhan ahaa oo lagu soo bandhigay maxkamadda horteeda, kuwasoo ay ka mid ahaayeen inuu amray dil ka dhan ahaa dad sameynayay dibadbax ka dhan ahaa dowladda, musukhmaasukh, ku takrifal awoodeed iyo lunsasho hanti dadweyne.

Ku dhowaad 900 ooqof ayaa la dilay, intii uu socday kacdoonka.

Mr. Mubarak waxaa laga yaabaa inuu wajah xukun dil ah, haddii uu dambi ku caddaado.

Laba wiil oo uu dhalay Mubaarak, Calaa iyo Jamaal ayaa sidoo kale maxkamadayntu ay ku socotay, iyagoo dhinac taagnaa Mr. Mubaarak, una hadlayay markii uu dhageysigu socday. Labaduba waxay beeniyeen eedeeynta loo soo jeediyay.

Dad kale ee maanta la maxkamadeeyay waxaa ku jira wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee dowladdii Mr. Mubaarak, Xabiib al-Cadli iyo lix taliyeyaal ka tirsan booliska iyo ganacsade caan ah oo lagu magacaabo Xuseen Saalim, kaasoo la maxkamadeeyay isagoo goobta ka maqan.

XS
SM
MD
LG