Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mubaarak oo kala Eryay Golihiisa Xukuumadda


Mubaarak oo kala Eryay Golihiisa Xukuumadda
Mubaarak oo kala Eryay Golihiisa Xukuumadda

Madaxweyne Mubarak ayaa sheegay inuu isbedel siyaasadeed iyo mid dhaqaale ku dhaqaaqi doono, soona dhisi doono xukuumad cusub.

Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Xusni Mubarak ayaa ka soo muuqday telefishanka qaranka ee dalkaasi, wuxuuna kala eryay golihiisa xukuumadda, isagoona sheegay in dowlad cusub soo dhisayo.

Madaxweynaha 82 jirka ah oo dalkaasi muddo 30 sano ah xukumayay ayaa ku tilmaamay mudaaharaadyada shirqool lagu doonayo in carqalad lagu geliyo dalka Masar, isagoo wakhtiga u dheereeyay bandow lagu soo rogay dalkaasi.

Waxaa dhinaca kale magaalooyin waaweyn oo dalkaasi ka tirsan ay ka socdaan mudaaharaadyo ka dhan ah dowladda. Dadkii mudaaharaadka sameynayay waxay dab qabadsiiyeen dhismayaal ku yaalla bartamaha magaalada Qaahira oo ay ka mid tahay xarunta xisbiga talada dalkaasi haya ee NDP.

Aqalka Cad ee magaalada Washington ayaa ku booriyay dowladda Masar inay is xajiso oo ay u oggolaato dadka inay si nabad ah cabashadooda u muujiyaan.

XS
SM
MD
LG