Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barakacayaal ku Dhintay Duqeyntii Cirka ee Jilib


Barakacayaal ku Dhintay Duqeyntii Cirka ee Jilib
Barakacayaal ku Dhintay Duqeyntii Cirka ee Jilib

Hay’adda MSF ayaa sheegtay in shan qof oo rayid ah ay dhinteen kaddib markii diyaarado miig ah ay shalay duqeyn u geysteen xero ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla degmada Jilib.

Hay’addu waxay sheegtay in duqeyntaasi ay ku dhaawacmeen dad ka badan 40 qof.

MSF waxay sheegtay in haween iyo caruur ay u badan yihiin dadka uu dhaawacu ka soo gaadhay duqeyntaasi, isla markaana ay ku daweynayso dhaawacaasi haatan cisbitaal ku yaalla tuullada Mareereey.

Hay’adda MSF ayaa ugu yeertay dhinacyada isku haya dagaalka Somalia inay xurmeeyaan xuquuqda dadka shicibka ah.

Duqeyntaasi ayaaa laga shakisan yahay inay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya, waxaana lagu bartilmaameedsaday fadhiisimo ay leeyihiin kooxda Al-Shabaab.

Warar horey u soo baxay ayaa sheegaya in 10 qof ay weerarkaasi ku dhinteen.

XS
SM
MD
LG