Isku xirrada

War Deg-Deg ah

MSF oo Bilowday Tallaalka Jadeecada


MSF oo Bilowday Tallaalka Jadeecada
MSF oo Bilowday Tallaalka Jadeecada

Ururka Dhakhaatiirta aan Xuduudda lahayn ee MSF ayaa bilaabay tallaal socon doona todobaad, kaasoo ku saabsan cudurka jadeecada.

Ururka dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF, ayaa sheegtay in cudurka jadeecada uu ka dilaacay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaasoo ay u barakaceen tirada ugu badan ee Soomaalida ka barakacday deegaamada ay abaaruhu ku dhufteen.

MSF ayaa sheegtay inay bilowday olole tallaab oo socon doona muddo todobaad ah, oo tallaal lagu gaarsiin doono caruur gaareysa 24,000 oo ku nool xerada Dhagaxley.

Dr. Geedi Maxamed, Madaxa Isbitaalka MSF ee Dhadhaab ayaa VOA u sheegay in dadka ugu badan ee uu ku dhacay cudurka jadeecada ay 70% ay da'doodu tahay 5 jir iyo wixii ka sarreeya.

Wuxuu sheegay in dadkaasi ay u badan yihiin dad cusub oo dhowaan soo galay xeryaha qaxootiga.

XS
SM
MD
LG