Isku xirrada

War Deg-Deg ah

M. Macaani oo Nairobi ku Geeriyooday laguna Aasay


Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud ayaa saaka waabarigii ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla Nairobi. Marxuumka ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Max'ed Cali America oo VOA u xaqiijiyay geerida marxuumka ayaa sheegay in marxuumka xaaladdiisa caafimaad ay halis ahayd isla markaana uu coma ku jiray tan iyo markii shalay la geeyay magaalada Nairobi.

Marxuum Mowliid Macaani oo ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddo ku soo jiray siyaasadda Soomaaliya. Xilalka uu soo qabtay Mowliid Macaani waxaa ku jiray wasiirkii Ciyaaraha ee xukuumaddii Ra'iisul-wasaare Geeddi. Mowliid Macaani wuxuu sidoo kale ka tirsanaa bahda cayaaraha Soomaaliya, isagoo soo noqday garsoore.

Dhinaca kale, Faysal Xaaji Cilmi oo ka tirsanaa shaqaalaha xafiiska R/wasaare Cabdiweli ayaa isna shalay Nairobi ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii Tiyaatarka Qaranka.

XS
SM
MD
LG