Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: 6 Qof Oo Ku Geeriyooday Weerar


Askari taagan halka uu qaraxa ka dhacay
Askari taagan halka uu qaraxa ka dhacay

Ugu yaraan Shan qof ayaa ku dhimatay 13 kalana way ku dhaawacmeen weerar ka dhacay Muqdisho saaka.

Goobjoogayaal iyo saraakiil dhinaca amniga ah ayaa VOA u sheegay in weerar lagu qaaday xarunta booliiska waddooyinka ee Muqdisho.

Nin ismiidaamiye ahaa ayaa la sheegay inuu qarxiyey baabuur, kadibna nin kale ayaa isku dayey inuu xarunta galo ka hor intii aysan booliisku toogan, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Shaqaalaha caafimmadka ayaa VOA u sheegay inay xaqiijiyeen dhimashada lix qof, iyo dhaawaca 13 qof oo kale.

Saddex ka mid ah dadka dhintay ayaa la sheegay inay booliis yihiin.

Xarunta weerarka lagu qaaday ayaa ku taalla meel u dhow dekeddii hore ee Muqdisho ee degmada Shangaani, halkaasi oo sidoo kale ay ka dhowdahay safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraraka.

Dhinaca kale, rag hubeysan ayaa toosho ku dillay laba qof degmada kale ee deriska la ah ee Xamar Jajab, Ciidamada Dowladda ayaa soo qabtay labadii qof ee dilkaasi geystay.



XS
SM
MD
LG