Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Ka Dhacay Muqdishu


Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in maanta uu qarax ka dhexdhacay baabuur marayey waddo ku taalla xaafadda Waaberi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen qaraxaasi oo lala beegsaday baabuur uu lahaa qof rayid ah. Ilaa hadda ma cadda in qaraxan uu yahay mid lagu xidhay baabuurka iyo inuu ahaa mid goobta horey u yaallay.

Wararka goor dhowayd naga soo gaadhay Muqdishu waxay sheegayaan in qofna aanu waxba ku noqonin qaraxaasi.

Magaalada Muqdishu waxaa ku badan qaraxyada iskugu jira kuwo baabuurta lagu xiro iyo kuwa jidka dhinacooda la dhigo ee la hago, waxaana mas’uulyadda weerrada sheegta ururka Al-Shabab.

XS
SM
MD
LG