Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mogadishu: DKMG oo Dilkii Shalay Cambaareysay


Mogadishu: DKMG oo Dilkii Shalay Cambaareysay
Mogadishu: DKMG oo Dilkii Shalay Cambaareysay

Dilkii shalay loo geystay dadkii dibadbaxayey ayaa waxa cambaareeyey Madaxweyne Shariif iyo Golaha Wasiirada Dawladda KMG ah ee Somalia

Madaxweynaha DKMG Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa canbaareeyey dilkii loo geystay dadkii rayidka ahaa ee shalay banaanbaxa nabadeed ka sameynayay magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay rasaas ku fureen ciidamada ka tirsan dowladda Somalia.

Shir jaraa’id oo uu goor dhaweyd ku qabtay Muqdisho, ayuu madaxweyne Shariif ku sheegay in ciddii kadanbeysay falkaasi cadaalladda la horkeeni doono.

Dhinaca kalena, War-saxaafadeed laga soo saaray kulan uu yeeshay golaha wasiirada oo u hoggaaminayay Raisal-wasaare Farmaajo ayaa lagu sheegay in falkaasi lagu laayay dadkii banaanbaxayay uu ahaa mid naxariis darro ah, oo lagu xasuuqay dad aan waxba galabsan oo halkaasi isugu yimid inay muujiyaan dareenkooda wadaninimo iyo nabad jacey.

War-saxaafadeedkaasi ayaa lagu sheegay in Wasiirka Gaashaandhiga, Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi uu golaha wasiirada uga warbixiyay falkaasi isagoo sheegay in raggii falkaasi getsay ay ahaayeen ciidamo beeleedyo sitay lebiska ciidanka dowladda Somalia.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo kulankaasi golaha wasiirada ka hadlay ayaa sheegay in dhacdadaasi foosha xun baaritaankeeda gacanta lagu hayo sida ugu dhaqsaha badana golaha Wasiirada loo hor keeni doono.

XS
SM
MD
LG