Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda Milatariga oo Ridday Xukun Dil ah


Maxkamadda milatariga darajada koowaad ee dawladda Soomaalliya ayaa xukun dil ah shalay ku riday Caawiye Axmed Jaamac oo 25 jir ah oo lagu helay inuu ku lug lahaa qaraxii 8-dii bishii Nofember ee sannadkii hore lala beegsaday Huteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Mudishu.

Ninkan ayaa la qabtay kadib markii qarax ku rakibnaa kombiyuutar Lap Top ah oo uu watay uu sidii la rabay u qarxi waayey gudaha huteelka.

Daqiiqado kadibna qarax labaad ayaa ka dhacay bannaanka Huteelka kaasi oo ay dad badan ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Haddaba xukunkan ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Liibaan Cali Yarow.

Waraysiga hoos ka dhagayso

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:52 0:00

XS
SM
MD
LG