Isku xirrada

Miisaaniyadda DF ee 2015 oo La Ansixiyey


Xildhibaanada oo gacmaha kor u taagaya.

Xildhibaanada oo gacmaha kor u taagaya.

Miisaaniyadda cusub, ayaa waxaa lagu ansixiyey in siyaasiyiinta xilalka ka haya dowladda Soomaaliya gaar ahaan, xubnaha golaha wasiirada laga jaro lacag dhan shan boqolkiiba

Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka, kaddib markii dib u eegis lagu sammeeyay.

143 ka mid ahaa 146 xildhibaan oo joogay kullankii maanta, ayaa u codeeyey in la ansiixyo miisaaniyadda, halka ay ka diideeen 3 xildhibaan.

Miisaaniyadda cusub, ayaa waxaa lagu ansixiyey in siyaasiyiinta xilalka ka haya dowladda Soomaaliya gaar ahaan, xubnaha golaha wasiirada laga jaro lacag dhan shan boqolkiiba mushaharkooda, taasi oo lagu macneeyey canshuur.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti, oo maanta ka hadlay xarunta baarlamaanka ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda ay qaadatay talooyinkii ay soo jediyeeyn xildhibaannada baarlamanka.

Warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa Muqdishu nooga soo diray Xasan Kafi Qoyste.

XS
SM
MD
LG