Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midowga Afrika oo Q. Midoobay Codsi u Gudbiyey


Cho voi con bú sữa tại khu bảo tồn động vật hoang dã ở Nairobi, Kenya.
Cho voi con bú sữa tại khu bảo tồn động vật hoang dã ở Nairobi, Kenya.

Midowga Afrika ayaa Golaha Ammaanka ee QM ka codsaday in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM ee ka howgala dalka Somalia

Midowga Afrika ayaa weydiistay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in goluhu ogolaado in la balaariyo hawlgalka Somalia, ururka MA oo sheegay in guulihii laga gaaray dagaalyahaniinta Islaamiga ay haboon tahay in la adkeeyo.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Nabadda iyo Ammaanka Ramtane Lamamra, ayaa Arbacadii Golaha Amaanka, magaalada New York ugu sheegay in muddo 20 sano ah, ay DKMG ahi markii ugu horeyso gacanta ku hayso qiyaastii dhamaan magaalada Muqdisho.

Golaha Ammaanka ayaa bixiya lacagaha hawgalka, isla markaana Mr. Lamamra uu dimblomaasiyiinta ka codsaday 5 kun oo askari oo dheeraad ah si tirada loo gaarsiiyo 17,000 oo askari. Sidoo kale waxa uu golaha weydiistay helicoptoro iyo taageero kale.

Diblomaasiyiinta QM ayaa sheegay in ay dhowr toddobaad qaadan doonto in laga shaqeeyo codsiga Midowga Afrika.

Xoogagga Midowga Afrika ayaa horumar ka sameeyey dagaalka ay kula jiraan ururka Alshabab.


XS
SM
MD
LG