Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midawga Yurub iyo Ammaanka Xeebaha Somalia


Wasiirada gaashaandhiga ee Yurub ayaa ay isku raacay in la xoojinayo hawl galka loogu magac daray Atlanta ee lagula dagaalamyo budh cad badeedda Soomaalida.

Waxaanay wasiiradu sheegeen in talaabooyinka cusub ee la qaadayo ay ka mid yihiin in la xakameeyo dejkedaha ku yalala dalka Somalia ee ay hawl galada ka sameeyaan maraakiibta ay wataan budh cad badeedda somalidu iyo in la baabiyo maraakiibta waawayn ee budh cad badeedda somalida u suurta gekliya in ay ilaa kun kilo mtir ay ka socdaan dekedaha Somalia

Waxaana ay wasiiradu sheegeen in labadaasi talaabo ee cusub la bilaabi doono dabayaaqada bisha march marka la xoojiyo tirada ciidamada iyo qalabka lagu biirinayo hawl galkaasi

Waxaa kale oo ay wasiiradu isku raaceen in ay xoojiyaan heerka iskaashiga ee ay la leeyahiin wadamada kale ee gaashaanbuurta nato iyo dalalka kale ee iyaguna ka qayab qaadanay hawlgalada lagula tacaalayo budh cad badeedda somalida.

Shir jaraaid oo uu qabtay wasiirka gaashaandhiga ee Spain oo uu wadankiisu imika hayo madaxwatinimada meertada ah ee midawgha yurub ayaa waxaa uu ku sheeggay in ay dhawr wadan ay ku balan-qaadeen in ay sii wadayaan hawl galada dhinacyada cirka iyo bada ah ee ay kaga qayb qaadanayaan hawshan la dagaalnka budh cad badeeda somalida.

Wasiirada gaashaandhiga ee midawga yurub waxa akale oo ay isla ogolaadeen in la sii wanaajiyo xidhiidhka ay la leeyahiin wadamada kenya iyo sycheles ee ku saabsan sidii talaabo dhinaca sharciga ah loogga qaadi lahaa budh cad badeeda somalida ee la soo qabqabto,oo lana sii xoojiyo dadaalka ku saabsan sidii heshiiskaasi oo kale loolla geli lahaa wadamada kale ee ay ka midka yihiin Tanzania,Mauritius iyo South Africa

Wasiiradu waxaa kale oo ay kaga arinsadeen kulankoodaasi oo ay iskuna raaceen in la bilaabo hawl galka lagu tababaryo ciidamada amaanka ee somalia ee ka dhici doona wadanka uganda ,oo laga yaabo in la bilaabo bisha may ee sanadkan.

XS
SM
MD
LG