Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Keating: Xeerka Madaxweynuhu waa Dastuuri


Michael Keating
Michael Keating

Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia, Michael Keating ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xeerka uu madaxweynaha Soomaaliya ku ansixiyay hannaanka doorashada Soomaaliya ee 2016.

Keating ayaa tallaabada madaxweynaha ku tilmaamay mid muujinaysa in doorashadu ay ku dhici doonto wakhtigii loogu talagalay.

Keating ayaa qeexay in xeerka madaxweynuhu uu dastuuri yahay, mar haddii hay'addii sharci dajintu ay go'aan arrintaasi ka soo saari waysay.

Michael Keating oo wareysi gaar ah siiyay VOA, ayaa sheegay in shaqada beesha caalamku tahay in doorashadu si nabad ah ku dhacdo, ciddii isku daydana inay carqaladeyso arintaasina ay la macaamili doonaa.

Cabdi Casiis Xuseen ayaa khadka taleefonka ee Muqdisho Michael Keating ku wareystay, wuxuuna ugu horreyn weydiiyay aragtidiisa ku aadan go'aanka madaxweynaha.

Dhageyso Wareysi ay VOA la yeelatay Ergayga QM ee Somalia
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:14 0:00

XS
SM
MD
LG