Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Meydadka Xujeyda Iran oo Lasoo Celinayo


Iiraaniyiinta ayaa ahaa dadkii ugu badnaa ee ku geeriyooday isbuurashadii xajka, ayada 769-ka qof ee ku nafwaayey halkaas, ay 464 ka mid ah ahaayeen Iiraaniyiin.

Iran ayaa maanta soo dhoweysay diyaarad sidday kooxdii ugu horeysay oo ah Xujay ku geeriyooday isbuurashadii toddobaadkii tagay ka dhacday dalka Sacuud Carabiya, intii lagu guda jiray gudashada waajibaadka xajka.

Madaxweyne Xasan Rooxaani, ayaa ka mid ahaa dhowr mas’uul oo sare oo ka qeyb galay munaasabadda soo dhoweynta oo maanta oo sabti ah ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Tehran.

Diyaaradda, ayaa waxa ay sidday 104 ka mid ah afar boqol iyo afar iyo lixdankii qof ee Iran uga nafwaayey Isburrashada, taasi oo si darran usii dhaawacday xiriirka markii horeba liitay ee Iran iyo Saudi Arabia.

Iran ayaa iisbuurashadaas u sababeysay maamul xumo ka timid dowladda Sacuudiga, ayada oo dadka Iiraaniyiinta ahna ayna dhigeen dibad baxyo dhowr ah oo ka dhacay afaafka hore ee safaaradda Sacuudiga ee magaalada Tehran.

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, ayaa uga digay Saudi Arabia inay wajahi doonto tallaabo adag, haddii aysan meydadka Iiraaniyiinta dib ugu soo celin dalkooda.

Iiraaniyiinta ayaa ahaa dadkii ugu badnaa ee ku geeriyooday isbuurashadii xajka, ayada 769-ka qof ee ku nafwaayey halkaas, ay 464 ka mid ah ahaayeen Iiraaniyiin.

XS
SM
MD
LG