Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mexico oo 2-0 ku muquunisay France


Kooxda daka Mexico ayaa 2-0 ugu awood sheegatay kooxda dalka France, ciyaar xiiso badnayd oo ka dhacday garoonka Polokwane.

Kooxda Mexico ayaa laba gool iyo eber ku diray kooxda France. Ciyaartan oo ahayd mid xiiso badan waxay ciyaaryahanada kooxda Mexico soo bandhigeen ciyaar farsamadeedu aad u heer sareysay.

Kooxda France waxaa u ciyaara ciyaartoy caan ah, balse ciyaartan kuma aysan soo bandhigin ciyaarihii looga bartay.

Labadan kooxood oo ka wada tirsan group A, waxay horey barbar dhac ula soo noqdeen dalalka koonfur Africa iyo Uruguay.

Kooxda Uruguay oo shalay ka badisay kooxda Koonfur Africa ayaa haatan haysata 4 dhibcood, waxaan sidoo kale 4 dhibcood haysata kooxda Mexico ee haatan ka badisay France.

France iyo Koonfur Africa oo labaduba haysta min hal dhibcood ayaa kulmi doona maalinimada salaasada ah ee 22-ka bisha June, waxaana sidoo kale isla maalintaasi kulmi doona Mexico iyo Uruguay.

XS
SM
MD
LG