Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IGAD oo Ciidan Horleh Yaboohday


Madaxda IGAD
Madaxda IGAD

Urur-goboleedka IGAD ayaa yaboohay inuu 2,000 askari oo degdeg ah ku kabi doono ciidanka nabad-ilaalinta AMISOM, si loo buuxiyo 8,000 oo askari oo awalba loogu tala-galay AMISOM loo dhameystiro.

Shir-madaxeedka IGAD oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Melez Zenawi, oo dalkiisu uu shirka marti-galinayey, ayaa go’aamiyey inuu Qarmada Midoobay iyo Midowga Africa kala shaqeeyo sidii ciidan tiradiisu gaareyso 20,000 oo askari loogu baahan lahaa dhammaan dacallada Somalia. Isla qodobkan, waxay madaxda IGAD isla qaateen in ciidan Soomaaliyeed iyana lagu baahiyo dhinacyada dalka.

Balse waxaa xusid mudan in madaxdu ay sidoo kale isla go’aansadeen suurta-galnimada in ciidan ka socda dalalka dariska ah ay faragalin karaan Somalia, ciidankaas oo ay ku jiraan kuwa ku baheysan Beesha Geeska Africa, taas oo macneheedu yahay in dalalka Safka hore ay soo gali karaan.

Sidoo kale, madaxda dalalka IGAD waxay go’aansadeen in 2,000 oo askari oo degdeg ah lagu kabo AMISOM, inkastoo aysan caddeyn dalalka ay ka iman karaan, si loo buuxiyo tirada 8,000 ee askari ee AMISOM markii horeba loo qoondeeyey.

Madaxda IGAD ayaa sidoo kale ugu baaqay Midwoga Africa inuu sida ugu dhakhsaha badan Muqdisho ugu raro xafiisyada shaqaalaha rayidka ah ee Midowga Africa.

Mar laga soo tago ra’iisul wasaaraha Ethiopia, hoggaamiyayaasha dalalka IGAD ee ka qeyb galay kulanka, isla markaana isla saxiixsay war-murtiyeedkan waxaa ka kamid ah: Madaxweyne Shariifka Somalia, Ismaaciil Cumar Geellaha Djibouti, Yoweri Musevniga Uganda, Mwai Kibaki-ga Kenya iyo Xasan Al-Bashiir-ka Sudan.

Madaxdaas ayaa walaac xooggan ka muujiyey xaaladda ammaan ee sii xumaaneysa ee Somalia, iyagoo sheegay in, ka sokow halista amni ee ay xasillooni darradaas ku heysto dalka iyo dadka Soomaaliyeed, inay halis amni ku keeni karto dalalka gobolka ee IGAD ku baheysan, iyo waliba beesha caalamka.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalka Somalia ka socda uusan aheyn mid sokeeye oo Somaalida u dhaxeeya, balse uu yahay dagaal u dhaxeeya Soomaalida iyo kooxo argagixiso caalami ah oo kusoo duulay Somalia, sida ku qoran war-murtiyeedka.

IGAD ayaa sidoo kale soo dhaweysay heshiiska ay bishii March Addis Ababa ku kala saxiixdeen DKMG ah iyo Ahlu-Sunna Wal-Jamaacah, waxayna ugu baaqday labada dhinacy inay fulinta heshiiskaas iska kaashaadaan.

Sidoo kale, waxay hoggaamiyayaashu hoosta ka xarriiqeen in heshiiskii Djibouti ee lasu soo yagleelay dowladda Sheikh Sharif uu wali yahay hannaanka ay ka duulayaan.

Go’aanka ay dalka IGAD ku gaareen in dalalka darisku ay military ahaan fara-galin ku sameyn karaan Somalia, oo ah go’aan ka hor imaanaya qaraar u qaatay Golaha Ammaanka ee QM, ayaa ah dadaal diblomaasiyadeed oo ay hor-boodeyso dowladda Kenya, sidaas waxaa yiri Rashiid Cabdi, oo ah cilmi-baare ka tirsan Hey’adda International Crisis Group.

Rashiid, oo aan goor dhaweyd la hadlay isagoo ku sugan xarunta hey’addaas ee Brussels, ayaa sheegay in Kenya meel u raadineyso ciidan ka badan 2,000 oo askari, oo muddo dheer lagu tababarayey gudaha Kenya, kuwaas oo markoodii hore lagu waday inay dagaal ku qaadaan gobollada Jubbooyinka oo ay Shabaabku heystaan.

Rashiid ayaa sheegay in Kenya ay hadda dooneyso inay taliska ciidankaas ku wareejiso taliska AMISOM, isla markaana Muqdisho la geeyo, laguna biiriyo ciidanka DKMG ah ee Somalia.

Sababta ay sidaas Kenya u dooneyso, ayuu Rashiid ku fasiray in ciidamadaas ay isugu jiraan Soomaalida Somalia, iyo Soomaalida Kenya, taas oo sharci ahaan adkeyneysa in rag hubeysan oo u dhashay ay u gudbaan Somalia, iyagoo aan heysan fasax caalami ah.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo baxay IGAD ayaa kusoo beegmaya laba maalmood uun markii xukuumadda ra’iisul wasaare Cumar C/Rashid Sharma’arke lagu soo biiriyey wasiirro lagu yaqaanno inay xiriir soke la leeyihiin Ethiopia, kuwaas oo lagu beddelay wasiirro kasoo jeeday Isbaheysigii Dibu Xoreynta ee la dagaallamay Ethiopia.

XS
SM
MD
LG