Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda Sare oo Tilmaantay Habka Ansixinta R/Wasaaraha


Maxkamadda Sare oo Tilmaantay Habka Ansixinta R/Wasaaraha
Maxkamadda Sare oo Tilmaantay Habka Ansixinta R/Wasaaraha

Maxkamadda sare ayaa sheegtay in habka gacan-taaggu yahay ka habboon in la raaco si Ra'iisal Wasaaraha cusub cod kalsooni loogu qaado

Iyada oo uu wali taagan yahay is-mari-waagii ka dhex aloosnaa baarlamaanka DFKMG ee Somalia, ayaa Maxkamadda Sare ee Somalia ay soo saartay warqad ay ku caddeynayso habka la raacayo marka la doonayo in la ansixiyo Ra'iisal Wasaaraha cusub ee Somalia. Maxkamadda ayaa taageertay habka gacan-taagga ah oo ah dhinaca Madaxweynaha KMG ahi uu raacsan yahay.

Dhinaca kale, tiro xildhibaano ah ayaa maanta kulan ku yeeshay hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, kulankoodana kasoo saaray War-saxaafadeed ay ku sheegeen in Maxkamadda Sare ay hareer martay go'aankii saxda ahaa ee habboonaa in la raaxo, iyagoo tilmaamay in habka qarsoodiga ahi uu ahaa ka mar walba la raaci jiray markii la asnixinayo mas'uuliyiinta sar-sare ee DFKMG ah.

Warka oo dhameystiran, hoosta ka dhageyso

XS
SM
MD
LG