Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda: Caymiska Caafimaadku waa Dastuuri


Maxkamadda sare ee Maraykanka ayaa sheegtay inuu dastuuri yahay barnaamijka caymiska caafimaadka ee uu hirgaliyay madaxweyne Barack Obama.

Maxkamadda ayaa go'aamisay maanta oo Khamiis ah qeybta ugu muhiimsan ee barnaamijka oo dhigaysa in dadka Maraykanku ay iibsadaan ceymis caafimaad haddii kale la ganaaxi doono.

Go'aankan maxkamadda ayaa ah guul weyn oo u soo hoyatay madaxweyne Barack Obama.

Qeybta hoose ee qoraalka ka dhageyso falanqeyn uu sameynayo Prof. Axmed Ismaacil Samatar.

XS
SM
MD
LG