Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamad Amartay in lasoo Xiro Gulen


Fethullah Gulen
Fethullah Gulen

Maxkamad ku taalla magaalada Istanbul ayaa maanta soo saartay amar lagu soo xirayo wadaadka fadhigiisu yahay Mareykanka ee Fethullah Gulen, kaasi oo dolwadda ay ku eedeysay inuu ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay ee dalkaas.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in Gulen oo saaxiib hore la ahaa madaxweyne Erdogan, uu afgambiga la abaabulay saraakiil milatari, waxayna dowladda Mareykanka ugu baaqday in lasoo masaafuriyo.

Gulen ayaa beeniyey inuu ku lug lahaa afgambiga ama uu ka warhayey inta uusan dhicin ka hor 15-kii July ee sanadkan.

Madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan ayaa goor sii horreysay oo maanta ah sheegay in dowladdiisa ay “ka go’an tahay in jarto dhammaan xiriirada ganacsi ee kooxdan oo gacmaha dhiig kula jirta”.

Waxa uu sidoo kale sheegay “in lacag kasta oo gasha kooxda Gulen ee FETO ay ka dhigan tahay xabad lagu soo riday qaranka”.

XS
SM
MD
LG