Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxbuub: Ciidamada IGAD ayaa la dirayaa


Maxbuub Macallin
Maxbuub Macallin

Xoghayaha guud ee urur-goboleedka IGAD, Eng. Maxbuub Macallin ayaa sheegay in dalalka dariska oo aan la kala soocin ay diyaar u yihiin inay gacan siiyaan dowladda itaalka daran ee Somalia.

Xoghayaha guud ee urur-goboleedka IGAD, Eng. Maxbuub Macallin ayaa markii ugu horreysay ka hadlay go’aanka uu ururkiisu horraantii toddobaadkan ku gaaray magaalada Addis Ababa, ee ahaa in ciidan dheeraad ah, oo ka socda dalalka dariska, in lagu kabo kuwa nabad-ilaalinta ee AMISOM. Eng. Maxbuub ayaa sheegay in dalalka dariska oo aan la kala soocin ay diyaar u yihiin inay gacan siiyaan dowladda itaalka daran ee Somalia.

Eng, Maxbuu wuxuu sheegay in shirkaasi uu Madaxweynaha Somalia, ka soo jeediyo codsi gaar ah oo uu ku dalbanayo in la taageerro dowladiisa, waxayna taasi keentay in madaxda urur goboleedka IGAD ay isla garteen in ciidamo deg-deg ah oo gaaraya 2000 oo askari oo ka socda waddamada IGAD loo diro Somalia.

Maxbuub, wuxuu ka hadlay xasaasiyadda ay dadka qaarkood ka qabaan ciidamo ka socda dalka Ethiopia oo ku soo noqda Somalia, wuxuuna sheegay in arrintaasi aysan meesha oolin oo madaxda IGAD-na ay is tuseen in dhibaatada ka jirta Somalia ay ka sii darayso loona baahan yahay in si deg-deg ah wax looga qabto.

Xoghayaha guud ee IGAd, wuxuu sheegay in madaxda IGAD ay sidoo kale isku raaceen in la dalbo ciidamo gaaraya 20 kun oo la geeyo dalka Somalia, ciidamadaasina ay ka iman doonaan waddamo kala duwan oo Africa ka tirsan.

Wareysi Xogahaya guud ee IGAD oo ay Nairobi kula yeelatay weriyaha VOA Sahra Cabdi Axmed, qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG